Posts

Dib u dhac ku yimid furmashada Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Somaliya

Image
Waxaa dib u dhac uu ku yimid furmashada Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta lagu madalsanaa inuu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Muqdisho. Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku sii xaadiray xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo qorshaha uu ahaa in Madaxweynaha Somaliya uu furo Kalfadhiga. Goor dhaweyd ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo tagay xarunta Golaha shacabka wuxuu ku wargeliyay Xildhibaanada in Kalfadhiga maanta uusan furmeyn. Guddoomiye Jawaari ayaa Xildhibaanada u sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sida Dastuurka uu qabo furi lahaa Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Somaliya uu mashquulsan yahay. Jawaari wuxuu ku soo koobay hadalka Madaxweynaha inuu ku mashquulsan yahay arimo qaran, sidaasi awgeedna maalinta berito ah la furi doono Kalfadhiga Baarlamaanka. Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada wuxuu ka furay Shirka u dhaxeeya Madaxda Som...

Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboledyada oo furmay

Image
Waxaa goor dhaw Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ka furmay Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka, sida ay xaqiijisay Wakaalada Wararka Sonna. Shirkaan ayaa looga hadlayaa arimaha ku aadan Doorashooyin dalka ka dhaca iyo xaqiijinta in Bisha August dalka ay ka dhaceyso Doorasho iyo in kale. Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay Shirka, waxaana madasha Shirka fadhiya Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaliya. Shirkaan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo labo cisho ah, labadaasi cisho ayaa looga hadli doono arimaha Doorashooyinka iyo arimaha ku aadan Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee dalka. Bisha August ee sanadkan waxaa ku eeg Waqtiga Dowladda hada shaqeysa, waxaana aad loogu rajo weyn yahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho isbedelna uu ku yimaado dalka .

100 ruux oo ku geeriyootay dalka India

Image
Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab xoogan oo saaka ka kacay goob lagu cibaadeysto oo ku taalla dalka India. Dabkaan ayaa mar qura hareeyay macbadkaasi oo ku yaalla magaalo xeebeedka Paravur ee gobolka Kerala, kadib markii xaruntaas ku dhacday dhimbil dab ah oo kasoo duushay bulaleyrka loo isticmaalayay dabaaldaga fantasyaha Diimeed ee halkaasi ka socday. Qarax xoogan oo ka dhashay dabka ayaa aroornimadii hore ee saaka abaare 3-di Subaxnimo laga maqlay goobta macbadka ah oo ay ku sugnaayeen kumanaan ruux. Dabka ayaa lagu soo waramay in uu si dhaqso ah ugu fiday dhismaha iyo agagaarkiisaba, iyadoo ay dad fara bandanna ku xayirmeen gudaha xaruntaasi. Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa India ka socday fantasyo loogu dabaaldagayay ciidaha dadka heysta diinta Hinduga, hase ahaatee qaar ka mid ah dabaaldegyadaasi ayaa lagu qabtaa meelo aan fasax looga heysanin masuuliyiinta amaanka. Mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Kerala oo la had...

Daawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigay qaabkii ay u fuliyeen weerarkii Ceelcadde iyo ruuxii isqarxiyay

Image
Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro dheeraad ah oo muujinaya qaabka Shabaabka ay u fuliyeen weerarkii Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo dhacay 15-kii Bishii January ee sanadkan. Sawiradan Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa muujinaya dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan oo ku guda jira dagaalkii ay ku galeen Xerada Ceelcadde iyo qaabka uu ahaa dagaalka. Sidoo kale Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda ruuxii ka dambeeyay Weerarkii Ismiidaaminta ee lagu galay Xerada Ceelcadde Irideeda, maadaama ruux kaxeynaayay gaari Miineysay uu halkaasi isku qarxiyay. Shabaab ayaa magaca ruuxaasi ku sheegay Cabdul Qaadir Axmad Cali oo ku magac dheer (Farxaan) wuxuu ka soo jeeda Shabaabka sida ay sheegeen Gobolada Dhexe ee Somaliya. Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay hub fara badan oo dagaalkaasi ay ku qabsadeen, iyadoo hubkaasi badan gacanta uu u galay Kooxda Shabaab. Dowladda Kenya ilaa hada ma aysan cadeynin tirada rasmiga ah ee Shabaab ay ku dileen weerarkii Ceelcad...

Madaxda Somalida oo maanta ka shiraya Doorashada sanadkan dhaceysa

Image
Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir ay wada yeelanayaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka ka jira. Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee ku aadan arimaha Hiigsiga 2016-ka oo ay yeeshaan Madaxda dalka, ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan gudihiisa. Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaa suuragal ah in Shirka uu socdo muddo labo cisho ilaa saddex cisho ah oo madaxda ay isla gorfeyn doonaan qaabka doorashada u dhaceyso iyo sida Xildhibaanada cusub loo soo xuli doono. Shirkan oo Saxaafadda aanan looga yeerin ayaa noqon doono mid gaar ah oo Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada kaliya ay isku arkaan, si ay isugula meel dhigaan arimaha ku xeeran Doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso. Arimaha ugu waaweyn ee Shirkaan lagu gorfeyn doono ayaa ah qaabka loo soo xulayo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, waxaana suuragal ah in caqaba...

Galmudug oo sheegtay inay ka war hayso abaabul dagaal oo Shabaab ka wadaan deeganada Galmudug

Image
Maamulka Galmudug, ayaa shaaca ka qaaday inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo Ururka Al Shabaab ay ka wadaan deeganada Maamulka Galmudug, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Maamulkaasi. Cismaan Ciise Nuur “Taardhuleed” Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inay helayaan macluumaad ku aadan Shabaab inay wadaan abaabul dagaal oo ay ka wadaan deeganada Galmudug, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan arintaasi. Ciidamada Maamulka Galmudug, ayuu sheegay inay ka hortagayaan weerarada iyo abaabulka ay qorsheynayaan Ururka Al Shabaab inay ku qaadaan deeganada Maamulkaasi. “Nimankani dhaq-­dhaqaaqyada ay wadaan waan la soconnaa, waxaana keenaya awoodda iyo culeyska la saaray, waana la soconnaa meel walbo oo ay is uruursi ka wadaan oo deegaannadeenna ah.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug. Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Somaliya ku sugan inay kala hadleen sidii ay uga hortagi lahaayeen, hadii Shabaabka isku dayaan inay isag...

Guddoomiye Jawaari “Xildhibaanada ammankooda haka taxadaraan”

Image
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa digniin u diray Xubnaha Baarlamaanka Somaliya, xilli maanta oo Axad ah lagu wado inuu furmo Klafadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Somaliya. Maxamed Sheekh Cismaan ayaa Xildhibaanada  kula dardaarmay inay ka taxadaraan ammaankooda, si aysan u dhicin in la beegsado Xildhibaan Qaran oo shacabkiisa u shaqeynaya. “Waxaan rabaa arimaha qaarkood inaan ka dar daarano, waa lagama maarmaan inaad u feejignaatan aad uga feejignaataan amniga ilaalintiisa, Raxmad Allaha siiyo dad badan oo Xildhibaano ah iyo dad badan oo Shaqaalaheena ka mid ah iyo ciidamadeena ayaa naga geeriyooday oo dad cadaawad u qaba ama Dowlad diid ah nagu mushkilideeyeen, qolada Guddiga amniga waa ay shireen warbixintiina waa ay iikeenee arimaha go’aanka ay ka gaareen inaad si fiican u hirgelisaan adiga ayeey dan kuu tahay anaga ayeey dan noo tahay inaad isl ilaalisan oo aad feejignaataan waa mid meesha ku jirta.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Somali...