Daawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigay qaabkii ay u fuliyeen weerarkii Ceelcadde iyo ruuxii isqarxiyay
Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro dheeraad ah oo muujinaya qaabka Shabaabka ay u fuliyeen weerarkii Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo oo dhacay 15-kii Bishii January ee sanadkan.
Sawiradan Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa muujinaya dagaalyahanada Shabaabka ka tirsan oo ku guda jira dagaalkii ay ku galeen Xerada Ceelcadde iyo qaabka uu ahaa dagaalka.
Sidoo kale Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda ruuxii ka dambeeyay Weerarkii Ismiidaaminta ee lagu galay Xerada Ceelcadde Irideeda, maadaama ruux kaxeynaayay gaari Miineysay uu halkaasi isku qarxiyay.
Shabaab ayaa magaca ruuxaasi ku sheegay Cabdul Qaadir Axmad Cali oo ku magac dheer (Farxaan) wuxuu ka soo jeeda Shabaabka sida ay sheegeen Gobolada Dhexe ee Somaliya.
Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay hub fara badan oo dagaalkaasi ay ku qabsadeen, iyadoo hubkaasi badan gacanta uu u galay Kooxda Shabaab.
Comments
Post a Comment