Posts

Showing posts from March, 2016

Taliska Nabad Suggida Galmudug oo shaaciyay inay qabteen Ajaanib Shabaab ka tirsan

Image
Ciidamada Nabad Suggida Maamulka Galmudug, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Ajaanib ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Mudug oo ciidamada Galmudug muddooyinkaan ay ku baacsanayeen Shabaab. Taliyaha Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda NISA ee qaybta Deegaanada Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay ciidamada inay gacanta ku soo dhigeen Saddex Ruux oo Ajaanib ah oo iminka ay gacanta ku hayaan. Wuxuu sheegay labo ka mid ah Ajaanibta inay u dhasheen dalka Kenya, halka ruux kale ee uu u dhashay dalka Tanzania, sida ay shaaciyeen Saraakiisha Hay’adda Nabad Suggida qaybta Galmudug. “ Howlgalku wali dhulka Xeebaha ayuu ka socdaa, 12 Maxaabiis cusub ah ayaan soo qabanay waxaa ka mid ah sadex nin oo ajaanib ah labo waa Kenyan Midna Waa Tanzanian, baaris ayaa ku socota hadda, waxaana ciidamadu baacsanayaan horjoogayaashii watay dhalinyarada yar yar ee maskaxda ay ka rogeen kooxaha argagixisada”Ayuu Yire Saadaq Cumar oo la had...

Gaari ay ka buuxaan Walxaha Qarxa iyo Hub oo ciidamada Nabad Suggida ay ku qabteen Magaalada Muqdisho

Image
Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed ayaa gacanta ku dhigay Gaari noociisa uu yahay kaarib oo waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, gaarigaasi oo la doonaayay in lagu dhibaateeyo Umadda Somaliyed. Gaarigan waxaa xalay saqdii dhexe lagu qabtay Afaafka hore ee Madaxtooyadii hore ee C/qaasim Degmada Hodan, gaar ahaan Xaafada Taleex, halkaasi oo gaariga ay dhigteen raggii watay. Ciidamada Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyed oo helay macluumaadka gaarigan ayaa xalay oo dhan ku daba jiray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo Baabuurkan. Gaariga oo noociisa uu yahay Kaarib, waxaa ku jiray waxyaabo loogu talo galay marka uu qarxo gaariga inay laayaan dadka, waxaana ka mid ah waxyaabahaasi, Boolal Fara badan, Haamaha Suujimada leh, Biro dhaadheer iyo Bambooyin, waxaana raggii watay ay doonayeen marka ay qarxiyaan gaariga in waxyaabahaasi oo dhan ay noqdaan kuwa laaya dadka. Ciidamada Nabad Suggida ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo ...

Ciidamada Itoobiya oo Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolka Galgaduud

Image
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya, ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud. Ciidan Itoobiyan ah ayaa la sheegay saaka inay ka ambabaxeen Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo u jiheystay dhanka Degmada Ceelbuur, sida ay sheegayaan wararka aan helayno. Ciidamadan Itoobiyaanka ee Dhuusamareeb ka ambabaxay ayaa la sheegayaa in qorshahooda uu yahay inay gaaraan deegaanada Shabaabka ay ka joogaan Gobolka Galgaduud si halkaasi Shabaab looga saaro. Sidoo kale ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa iyagana waxa  ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen Degmada Ceelbuur ee isla  Gobolka Galgaduud, waxaana wararka ay sheegayaan ciidamadan ka soo ambabaxay Dhuusamareeb iyo kuwa Ceelbuur dhaqdhaqaaqa ka wada in ujeedkooda uu yahay gaaritaanka deeganada Shabaabka ay joogaan., Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay qorshaha inuu yahay ciidamada inay gaaraan dee...

Gaari kale oo qarax lagu xiray oo ciidamada Nabad Suggida ay qabteen

Image
Iyadoo xalay saqdii dhexe ciidamada Nabad Suggida ay gacanta ku dhigeen gaari noociisa uu yahay Kaarib oo la doonaayay in lagu fuliyo Qaraxyo, ayaa saaka aroortii ciidamada Nabad Suggida waxa ay gacanta ku dhigeen gaari kale oo Qarax lagu soo xiray. Gaarigaan oo noociisa uu yahay gaari raaxo ayaa waxa ciidamada Nabad Suggida ay ku qabteen Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, waxaana watay Muwaadin Somaliyed oo aanan war ka heyn in gaariga Qarax loogu xiray. Waxaa watay gaarigaan Nin Oday ah oo u shaqeeya NGO lagu magacaabo HIJRA, iyadoo ciidanka Nabad Suggida ay ka dejiyeen ninkaasi Baabuurka, kadibna ay xireen goobtii Baabuurka ay ku qabteen . Ciidamada Miino Baarista ee Booliska Somaliyed ayaa loo yeeray, kuwaasi oo gaariga ka furay Qaraxa, Qaraxan Baabuurka waxaa loogu xiray Bartamaha hoose ee Baabuurka, si qofna aysan uga badbaadin kolka la qarxiyo Baabuurkaasi. Muwaadinka Somaliyed ee Gaarigiisa Qaraxa laga furay oo maleysan waayay in Baabuurkiisa Qaraxa loogu xiray ayaa u Maha...

Dagaal xalay ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa

Image
Wararka laga helaayo Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, ayaa sheegaya in Xoogag hubaysan oo Shabaab ka tirsan xalay ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Xaafadaasi. Saldhiga ciidamada Dowladda ee la weeraray ayaa ku yaallo halka loo yaqaan Biyo dageenka Xaafada Suuqa Xoolaha, halkaasi oo ciidamada Booliska fariisin ay ku leeyihiin. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka uu ahaa mid culus oo ciidamada lagu gaaday, iyadoo la soo sheegayo inuu jiro Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaasi. Qoriga loo yaqaan Sabanka ee garabka laga rido ayuu ku biloowday weerarka, iyadoo ciidanka Dowladda dhankooda ay ku jawaabayeen rasaas culus oo fariisimadooda ay ka ridayeen. Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Xaafada Suuqa Xoolaha weli kama aysan hadlin weerarkaan hubaysan ee Ciidamada Shabaab xalay ku qaadeen Xaafada Suuqa Xoolaha. Al Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay ku qaadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Difaacyada ku leh ...

DEG DEG: Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la afduubtay

Image
Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ka duushay magaalada Alexandaria kuna sii jeeday magaalada Qaahira ayaa la afduubtay. Warkaan soo soo baxay goor dhaw, ayaa Sida ay qortay BBC, waxaa saarnaa Diyaarada 80 ruux oo Rakaab ah. Ilaa hada lama garanaayo cida afduubatay Diyaaradan, balse waxaa la sheegay in Diyaarada laga dejiyay Garoon Diyaaradeed oo ku yaallo dalka Cyprus (Qubrus). Waxaa socda Baaritaanka la xiriira helida macluumaad ku saabsan  cida afduubatay Diyaaradan iyo sababta ka dambeysa in la afduubta Diyaarada. Saraakiil ka tirsan Dowladda  Masar, ayaa sheegay inay ku guda jiraan baaritaanka arintaan la xiriira, goor dhawna ay shaacin doonaan cida afduubatay Diyaarada. Shirkada Diyaaradaha Egypta Air, ayaa barteeda Twitterka ku soo daabacday in Diyaarada nooceeda uu yahay A320 la afduubtay. Ma aysan bixin Shirkada macluumaad intaasi ka badan oo qeexaya afduubka Diyaarada loo geystay. La soco wixii ku soo kordha

Xulalka Somalia iyo Rwanda oo galabta 1-1 ku kala baxay, ciyaar ka dhacday Djibouti

Image
Xulka Soomaaliya ayaa barbardhac ka helay dhigiisa Rwanda kulan qurux badan oo ka dhacay dalka Djabouti waxeyna ciyaarta kusoo dhamaatay 1-1 waqtigii loogu tala galay inkastoo wadarta guud ee kulamada labada ah ee ay labada xul isku noqdeen ay ku dhamaatay 3-1 oo ay Rwanda kusoo baxday. Sona Isaie ayaa daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta hogaanka u dhiibay xulka Rwanda isagoo ka faa’iideeyay kubad dhex tuur ah oo la siisay, si qurux badana ugu gooyay goolhaye Mustaf tasoo u sahashay inuu si fudud kubada shabaqa u taabsiiyo. Xulka Rwanda ayaa aad uga firfircoonaa dhigiisa soomaaliya qeybta hore ciyaarta iyadoo dhowr jeer oo kale ay u dhawaadeen iney gool labaad dhaliyaan balse uma suuragalin. Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1, oo ay ku hogaaminayaan xulka Rwanda oo marti ku ahaa Djabouti, balse markii la isku soo laabtay Soomaalida ayaa waji cusub la yimid kuwaas oo fursad abuur bilaabay. Ma Suuragalin iney gool helaan ilaa daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta markaas oo gool barbardhac ...

SAWIRRO: Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo xaqiijiyay in lagu kala kacay kulankii ay la yeesheen R/Wasaare Sharmaarke

Image
Ka dib kulan maanta Magaalada Baledweyne ku dhex maray Odayaasha Golaha Dhaqanka Beesha Xawaadle iyo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa lagu kala kacay, markii la’isku khilaafay qodobadii miiska saarnaa. Ra’iisal Wasaaraha waxaa kulankan ku wehlinaayay xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada. Garabka Ra’iisal Wasaaraha, ayaa madasha la yimid baaq ah in Odayaasha Beesha Xawaadle, ay ka qaybgalaan shirka lagu doonaayo in Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe lagu soo dhiso, isla-markaana ay gogoshiisu taalo Magaalada Baledweyne. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo kulanka ka hadlaayay, ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya, ay raaligelin ka bixinayso khaladaad uu sheegay in si farsamo ah, ay u dhaceen, isla-markaana ay Dowladdu jeclaan laheyd in beelaha degga Gobolka Hiiraan, ay si guud kaga wada qaybgalaan shirka. Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo isna kulanka ka h...

Dalka Soomaaliya waxa leh Hal Qowmiyad oo la yirahdo

Image
Markii ay bur burtey Dowladdii Soomaaliyeed ee Madaxweyne  Maxamed Siyaad Barre Sanadkii 1991 bishii January waxa  Soomaaliya ka dhacay dagaal Qabiil oo ku saabsana Xukun doon  taaso keentay in Qabiil walba uu urur ama jabhad siyaasadeed  yeesho, Haddii aan wax ka sheego Qaar ka mid ah Jabhaddii Dalka  soo maray 1991 – waxaa ka mid ah sidaan soo scota; Magacyada Jabhadda Siyaasadeed ee qabiilka ku shisnaa 1- The Somali Salvation Democratic Front (SSDF) 2- The Somali National Movement (SNM) 3- The United Somali Congress (USC) 4- The Somali National Front (SNF) 5- The Somali Democratic Movement (SDM) 6- The Southern Somali National Movement (SSNM) 7- The United Somali Front (USF) 8- The Somali Democratic Alliance (SDA) 9- The United Somali Party (USP) 10-The Somali National Democratic Union (SNDU) 11-The Somali African Muki Organization (SAMO) 12-The Somali National Union (SNU) Jabhadda aan kor ku soo sheegay waxay...

Axmed Madoobe oo shaaciyay caqabada ka haysata soo magacaabista Golaha Wasiirada Jubbaland

Image
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay caqabada ragaadisay soo magacaabista Golaha Wasiirada Maamulkaasi, xilli Madaxweynaha dhowr mar uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in la siiyo Waqti oo Gole Wasiir ku soo magacaabo. Axmed Madoobe, ayaa sheegay sababta keentay ragaadista magacaabista Golaha Wasiirada inay tahay iyadoo Maamulka Jubbaland uu ka bilaabay meel hoose oo ah inaysan waxba isugu aadisneyd, sidoo kalena aysan jirin dib u heshiisiin laga sameeyay Gobolada Jubbooyinka. “Inta aad fadhideen Maamulkii dowladdana waa uu fadhiyay, waa la iga sugayay Golaha Wasiiradda muddo aad u dheer oo aan u maleenayo in saddex jeer aan ka codsaday Baarlamaanka muddo kordhin, waxa sababayey idinkana idinku hayay waxa ay ahayd waxaa billowgii ugu horreeyay aan ku billownay dowladda aan dhiseeno iyo gobalkan waxa aan ka rabo ay tahay dib u heshiisiin, Ummad aan heshiis ahayn oo aan la isku keenin, aan mideesneen, aan isku ujeed...